Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta
magaalada Muqdisho kula kulmay odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee soo xulaya ergooyinka ansixin doona dastuurka cusub ee ay Soomaaliya yeelan doonto.
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo odayaasha dhaqanka oo ku kulmay xarunta ay odayaashu ka deggan yihiin gegida dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla soo qaaday howlaha hoggaamiyeyasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kaga aaddan howlaha xilliga kala guurka iyo awoodda ay ku yeelan karaan masiirka ummadda.
Madaxweynaha ayaa odayaasha ku boorriyey xilka ka saaran soo xulidda ergooyinka, kuwaasoo uu sheegay in la doonayo inay soo xulaan dad aqoon leh, si waddanka loogaga saaro marxaladda KMG, loona gudbo dowlad rasmi ah oo caalamkuna aqoonsan yahay.
sidoo kale R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha
C/wahaab Ugaas Xuseen oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaam ay
tahay in odayaasha dhaqanka ay dar dar galiyaan howlaha dastuurka si loo
hordhigo culumaa’udiinka Soomaaliyeed.