Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa soo
bandhigay sawirrada mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo ay ku gubeen
dagaalkii shalay ka dhacay degmada Boondheere iyo taangi god ku dhacay.
Afhayeenka howlgallada Xarrakada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa shalay
warbaahinta u sheegay inay gubeen laba taangi iyo gaari kale oo kuwa
dhulka aasa ah.
Sawirrada ay soo bandhigtay Xarrakatul Shabaab ayaa muujinaya gaari
Katarabiil lagu duugo godadka oo gubtay iyo taangi ku dhacay bohol u
muuqatay in horay loo diyaariyay, iyadoo sawirradan ay yihiin kuwo meel
fog laga qaaday.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ee dhinaca ciidamada Sheekh Abuu-Muscab
ayaa sheegay in shalay aroortii ay weerarro kusoo qaadeen ciidamada ka
tirsan AMISOM oo ka guuray jidka Maka Al-Mukarama ayna iska caabiyeen,
isagoo sheegay inay ka gubeen taangiyo iyo gaadiid kale.
Mr. Prosper Hakizimana oo ah ku xigeenka afhayeenka AMISOM ayaa isna
beeniyay in laga gubay gadiid ay wateen, isagoo sheegay in haddii ay
jiraan gaadiid dagaalka looga gubay lagu soo bandhigi lahaa sawirro laga
soo qaaday.