Madaxweyne Sh. Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo garoonka Diyaaraha Aadan Cadde si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha la socday ayaa waxaa ka mid ahaa R/wasaare ku xigeen Ahna Wasiirka gaashaandhigga, wasiirka haweenka iyo xubna kale oo ka tirsan Golayaasha dowladda, waxaana si maamuus leh u soo dhaweeyay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, saraakiil ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka soo laabtay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga Soo qeybgalay shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlayay aayaha dalkeenna Soomaaliya.

comeback1.jpg

comeback2.jpg

comeback3.jpg

welcome6.jpg

comeback4.jpg

comeback5.jpg


Add New Comment