OGEYSIIS - Howl dib u habeyn ah oo ku socota shabakadda www.SilGor.com



ogesiis1.jpg

Waxaan ugu horreyn aqristayaasheenna sharafta leh uga cudurdaaraneynaa hakadka yar ee muddooyinkan dambe ku yimid howlihii shabakadda www.SilGor.com, taasoo ay ugu wacan tahay dib u habeyn weyn oo ku socota muqaalka iyo baaxadda website-ka.

Aqristayaasheenna sharafta leh waxaan u ballan qaadeynaa inaan dhowaan u soo bandhigo doonno weji aad uga qurux badan kii hore iyo weliba macluumaad iyo aqbaaraad ka waasacsan kuwii aad horey inoogaga barateen, sidoo kalena waxaan fursado idiin siin doonaa masaaxad aad ku soo bandhigi kari doontaan aaraadiina iyo fikradihiina oo aad si toos ah uga aqrisan doontaan gudaha web-ka.

Dadka sharafta leh ee xubnaha ka ah SilGor (members) waxaa idiin soo socda wax badan oo idin farxad gelin doona, ayadoo aad loo ballaarin doono howlihii ay shabakaddu idiin qaban jirtay oo isugu jirta warar, maaweelo (cartoons), hambalyo iwm.

Inta ka horreysa waqtiga aan si rasmi ah ugu gudbi doonno website-ka cusub waxaad nagala sii socon doontaan keenii hore oo aan ku dadaali doono ineysan howlihiisu kala go'in, waxaana dhismaha website-ka cusub iska kaashanaya kooxdii aad wada tiqiin ee African Arts iyo Eng. Shaafi Cabdulqaadir.

Add New Comment