Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
wafdigii la socday ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay soo dhammeysteen safar ay maalmahan ku joogeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay kaga soo qayb galeen shir caalami ah oo lagaga hadlayey arrimaha burcad-badeedda, sidoo kalena isla magaaladaasi kulan kula soo yeesheen madaxda Somaliland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha
Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaga hortagay mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiisha qaynaha ciidanka iyo qaybaha bulshada.
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa intii aysan Dubai tegin ka hor sii maray magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia, halkaasoo ay wadahadallo kula yeesheen mas'uuliyiinta dalkaasi oo uu ka mid yahay ra'iisul-wasaaraha dalkaasi Meles Zinawe.