Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta kula kulmay Madaxweynaha Maamulka
Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo.
Kulanka oo ahaa mid daba socday kulankii ay magaalada London duleedkeeda ku
yeesheen 21-22 bishan June gudiyo ka kala socda labada dhinac ayaa qaatay
saacado waxaana u jeedkoodu ahaa xoojinta sidii ay usoo socon lahaayeen
wadahadallada u bilowday DFKMG iyo maamulka Somaliland.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane
Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay wareysi siiyey Radio
Muqdisho ayaa sheegay in kulanka uu kusoo idlaaday guul islamarkaana ay labada
Madaxweyne ku heshiiyeen qodobo gaaraya Afar qodob oo ay ka mid yihiin in ay
wadajir u taageereen qodobadii kasoo baxay shirkii ay duleedka London ku
yeesheen gudiyo labada dhinac ah iyo in lasii wado wadahadallada ay labada
dhinac uga arinsanayaan aayahooda.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane
Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in qodob kale oo muhiim ah oo ay labada Madaxweyne
ka hadleen uu yahay in dhaqaalaha isu socodka si rasmi ah la isugu fururo taasi
oo ah guul ayuu yiri islamarkaana saamixi karta ama suurta gelin karta is
dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay ee ay si fool ka fool ah isku soo hor fariistaaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
ayadoona kulankan uu qeyb ka yahay ifafaalaha muujinaya jiritaanka is faham ama
iskusoo dhowaansho maadaama ay walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya amaba
maamulka Somaliland markii ugu horeysay ay ku qanceen iney soo hor fariistaan
mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.