Ciidmamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo degaano kale oo ku dhow-dhow.
Taliyaha howlgelinta Ciidmada XDS ahna Afhayeenka Ciidamada Gen. Cali Caraaye
Cosoble “Gacma duulle” ayaa isagoo ku sugan degmada Balcad warbaahinta u
xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada
Balcad, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada baaritanno ammaanka lagu xaqiijinayo
ka wadaan gudaha degmada Balcad.
“Howlgalka ay ciidamadu saaka ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay
ciidamadu kula wareegeen xeradii Hiilweyne, kadibna waxa ay galeen degmada
Balcad iyagoo u sii dhaafay dhanka deegaanka Gololleey, mana jiran qasaare weyn
oo soo gaaray ciidamada Dowladda” ayuu yiri Gen “Gacmaduulle”
Howlgalkan ay ciidamadu kula wareegeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha
dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamadu dalka kaga xorreynayaan xoogagga Xarakatul Shabaab ee in muddo ahba gacanta ku haye inta badan gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka Soomaaliya.