Al-Sayid Maxamed Mursi oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka Masar


Murashxii u taagnaa Xisbiga Caddaaladda iyo Xoriyada ee Ururka Al-Ikhwaanu Muslimiin Al-Sayid Maxamed Mursi ayaa ku guuleystay doorashadii madaxwenenimo ee waddanka Masar, kaddib markii shalay ay guddiga doorashada si rasmi ah ugu dhawaaqeen natiijada doorashada.

Natiijada oo aheyd mid si aad ah loo dhowrayay ayaa ka dambeysay markii banaan baxyo ballaaran 24-kii saac ee la soo dhaafay ay gil gileen dalka Masar, kaasoo taageerayaasha Maxamed Mursi ay isugu soo baxeen fagaaraha Taxriir.

Gudiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay galabta natiijada doorashada, iyagoo sheegay in Maxamed Mursi uu helay codad dhan 51.73%, oo uu kaga guuleystay musharaxa kale ee Axmed Shafiq oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii hore.

Farouq Sultan oo ah Gudoomiyaha gudiga Doorashada Masar ayaa sheegay in sababaha ay dib ugu dhigeen natiijada doorashada ay aheyn, iyagoo soo gaarayay cabasho la xiriiray oo ka imaanayay musharaxiinta, isagoo xusay inay soo gaartay ilaa 466 cabasho ah sida uu yiri.

Durba markii lagu dhawaaqay in Maxamed Mursi uu ku guuleystay ayaa waxaa bilowday dabaal degyo ballaaran oo ay sameynayaan taageerayaasha, kumanaan taageerayaal ah ayaa wadooyinka isugu soo baxay, kuwaas oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo iyo sawirka Maxamed Mursi

Madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Mursi ayaa la filayaa in dhowaan la dhaariyo, isagoo goor dhow la hadli doono shacabka Masar, si uu ugu muujiyo sida uu ugu faraxsan yahay natiijada doorashada lagu dhawaaqay.

Hase ahaatee waxaa beryahan taagnaa cabashooyin dadweynaha Masar uga cabanayeen go'aanada adag ee Milateriga dalkaas ku hayeen, kaasoo lagu tilmaamay mid caburin iyo keli talisnimo ah.

Add New Comment