Shirkii Ay Yeelanayeen Saxiixeyaasha Roadmap-ka Oo Lasoo Gabagabeeyay


Shirkii saxiixeyaasha Roadmap-ka ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo Saxixeyaashuna ay isku afgarteen qodobbo muhiim ah oo ku saabsan ka gudubka marxaladda KMG-ka ah.

Munaasabada lagu soo gabagabeynayay kulan muddo sadex maalmod ah saxixeyaasha Roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu sareysa, madaxda mamaullada Puntland ,Galmudug, Ahlsunwaljamaca, wakiilo kasocday Q.M iyo caalamka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in go’aanada la isku raaca ay ku mideysanyihiin saxiixeyaasha Roadmap-ka shacabkuna ay taageeraan dastuurka.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay guddigii soo qaban qaabiyay dastuurka.

Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo khudbada xiritaanka munaasabada ka jeediyay hadal ayaa ka codsaday dadka Soomaliyeed in ay ka qeybqaataan meelmarinta dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo.

Shirka maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxa uu halkaas ka socday muddo sadex maalin ah waxaana ka qeyb galay saxiixayaasha Roadmap-ka iyadoo intii uu socday shirka looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay qariirada nabadda.


Add New Comment