Shirkii Saxiixayaasha Road-mapka Oo Ka furmay Nairobi


ROAD-MAP[1].jpgShir ay leeyihiin Saxiixayaasha Road-mapka ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo looga hadlayo waxyaabihii ka qabsoomay Road-Mapka iyo sidii loo dardargalin lahaa waxyaabaha dhiman.

shirka maanta ka furmay wadanka Kenya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowladda KMG ah, R/wasaaraha, guddoomiyaha Baarlamanka, maamulada Puntland, Galmudug, Ahlusuna waljameeca, iyo wakiilo kasocda beesha caalamka oo uu ka mid yahay wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyne” oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirka ayaa Radio Muqdisho uga warbixyay waxyaabihii looga hadlay shirka waxa uuna xusay in kulanka looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay Road-mapka iyo waxa ka dhiman.

sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in ay qudbado ka jeediyeen shirka Madaxweyne Sheekh Shariif, R/wasaare C/weli Guddoomiyaha baarlamanka, wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kala kuwaas oo soo bandhigay waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii Garoowe 1, Garoowe 2 iyo Addis Ababa.

Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta ka qeyb gashay shirka ay isku raaceen in la dardar geliyo soo xulista Ergada Ansaxineysa Dastuurka iyo in la dhiso gudiyadii loogu talagalay xalinta qilaafaadka.


Add New Comment