Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta booqday
goobta uu ka soconayo shirka Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada
Muqdisho.
“Waxaan aad ugu faraxsanaha inaan mar kale idin hor imaado, inagoo ka
tashaneyno aayaha dalka, Maadaama aan mudo kala maqneyn, waxaana maanta idin
kugu imaaday inaan idin”.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u sheegay in
howl muhiim ah laga sugayo waqtigana uu yahay mid gabaabsi ah maadaama labo bil
ka hartay islamarkaana Odoyaasha laga sugayo soo xulistii Ergooyinkii Ansixin
laheyd Dastuurka dalka iyo Soo xuliska Baarlamaanka dalka doorashadiina lagu
sameeyo.
Wuxuuna Odayaasha u sheegay in haddii uu xilliga sidaani noogu dhamaado ay
Soomaaliya geli doonto dhibaatooyin hor leh, Haddii iyadoo sidaani la isugu
raran yahay August, 2012, lagaaro oo aysan dowladda jirin, Xukuumad jirin,
Barlamaan jirin, Dastuur jirin, hadde waad garan gartaan cidlaa lagu soo
dhacayaa, Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Odayaasha ugu baaqay iney tixgeliyaan
waqtiga,h loona baahan yahay in shaqooyinka la soo dedejiyo.
Wuxuuna intaa ku daray in khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma
ahan iyo waaye ee la xalin doono balse waxaan aamin sanahay in Odayaasha ay
yihiin kuwii saxda ahaa balse la sixi doono wixii yar yar oo qaladaad ah oo
jira.
Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul
Wasaaraha kuwaa oo ku saabsan xilliga Dastuurka la horkeenayo, Xareynta Ergada
iyo Dhameystirka xilliga KMG ah, Isagoona Ra’iisul Wasaaraha uu dhamaan
Su’aalihii la weydiiayay ugu jawaabay si Saraxaad leh.
Waxeyna Odayaasha intaasi ku dareen iney diyaariyeen xubnii xalinta
khilaafaadka kuwaa oo ka kooban 25 xubnood oo ka socda shanta beelood.Waxeyna
sidoo kale xuseyn in intabadan ay diyaariyeen xubnihii ansixin lahaa Dastuurka
iyagoo ku soo xulayo aqoon iyo karti.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dastuurka dalka la horkeeni
doono Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed maalmaha soo socdo, Wuxuuna meesha ka
saaray tuhunada sheegayo in dalka uu leeyahay labo dastuur.