Dowladda Kuwait oo dalkeeda ka mamnuucday dhuxusha Soomaaliya


War-saxaafadeed ay soo saartay wasaarda arimaha dibadda ee dalka Kuwait ayaa lagu sheegay in laga billaabo maanta oo Axad ah aan dalkaasi loo soo dhoofin karin dhuxul ka timaada dalka Soomaaliya, ayadoo la tixgelinayo go'aankii Golaha Ammaanka ee QM.

War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada kuwait ay fulinayso go’aankii Qaramada Midoobay oo ahaa in dowladaha caalamka aysan dhuxul kasoo dhoofsan dalka Soomaaliya, ayagoona ku baaqay in dekedaha dalkaasi laga mamnuuco dhuxusha ka timaada Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ayaa dhanka kale ganacsatada Soomaalida ugu baaqay inay joojiyaan dhuxusha ay kasoo dhoofiyaan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Xarakatul Shabaab.

Cunaqabateyntan lagu soo roogay dhuxusha laga soo dhoofiyo dalka Soomaaliya ayaa waxa ay dan ugu jirtaa degaanka iyo bii'ada Soomaaliya, hase ahaatee waxa ay dhibaato weyn oo dhinaca dhaqaalaha ku yeelan doontaa ganacsatadii iyo hay'adihii ka ganacsan jiray dhuxusha.


Add New Comment