Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socda oo u ambabaxay dalka Sacuudiga


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Caraabiya, si ay uga qaybgalaan aaska amiirkii lahaa dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Amiir Naa'if Bin Cabdulcasii oo ku geeriyooday magaala Geneva ee waddanka Switzerland.

Wafdiga la socda madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah ku-xigeenka ra'iisul wasaaraha ahna wasiirka beeraha xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, wasiirka garsoorka, iyo mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxa si diirran gegida dayaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu sii sagootiyey madax sare oo ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


Add New Comment