Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu
sheegay in madaxweynuhu uu laalay qodobbo ku qoran Axdiga GMG ee haatan lagu dhaqo dalka Soomaaliya.
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012 laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.
Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.
Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.
Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah
si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo
saaray xeerkan.
Qodobka 1aad
Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34
ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay
xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii
wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.
Qodobka 2aad
Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan
iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960kii si uu u fuliyo
waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka
Soomaaliya.
Qodobka 3aad
Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B”
ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta
dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si
dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo
qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna
Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar
ahaan uu laalidoonaa qodobka 29aad ee axdiga KMG.\
Qodobka 4aad
Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah
ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.