Saraakii ka socda AMISOM oo Beledweyne kula kulmay maamulka gobolka Hiiraan
Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo shalay gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa halkaas kulan kula yeeshay mas'uuliyiinta maamulka DKMG ee gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ku sabsan ammaanka.
Booqashada saraakiishan oo aheyd mid ay ugu kuur galayeen xaalada magaalada iyo Ciidamada dhowaan la geeyay ee ka socda AMISOM ayaa sheegay in dhowaan la soo kordhin doono tirada Ciidamada AMISOM.
Ku-simaha Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ahna gudoomiye ku-xigeenka Axmed Inji ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM ka wada hadleen xaqiijinta ammaanka iyo sidii ciidamada AMISOM uga qeyb qaadan lahaayeen howl gallada ka socda gobolka.
Axmed Inji ayaa sheegay in Ciidamada ka socda Jabuuti ay fariisin ka sameysteen buurta Janta-Kundishe oo magaalada Beledweyn u jirta 5-KM, waxaana uu xusay in dhowaan sida ugu dhaqsiyaha badan ay u wada imaan doonaan Ciidamada kale ee ka harsanaa.
Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qayb ka ah ku AMISOM ayaa dhowaan la geeyey magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in lasii kordhin doono ciidamadaas ku sugan Beledweyne si ay uga qaybqaataan howlgallada lagu doonayo in guud ahaan gobolka Hiiraan loogu soo celiyo gacanta dowladda.
Add New Comment
|
|
|