Dhaxal-sugihii Boqortooyada Sacuudiga Amiir Naa'if oo geeriyooday


naif.jpgWarar ay qoreen wakaaladaha wararka adduunka qaarkood ayaa lagu sheegay in uu magaalada Jineefa ee dalka Switzerland maanta ku  geeriyooday amiirkii lahaa dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, amiir Naa'if Bin Cabdulcasiis, waxaana warkaasi markii dambe xaqeejiyey Telefishinka Qaranka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Amiir Naa'if ayaa noqday dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kaddib markii uu geeriyooday ninkii asaga mansabkaas kaga horreeyey Amiir Sultaan Bin Cabdicasiis oo asaguna xilligaasi geeriyooday.

Amiir Naa'if ayaa waxa uu waqti aad u dheer soo hayey xilka  wasiirkii arrimaha gudaha intii uusan noqon dhaxal-sugaha, da'diisuna waxay ahayd 76 jir, waxaana maalinimada Axadda lagu aasi doonaa magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama, geerrida amiirkan kaddib ayaa waxa la filayaa in ayaa Boqorka dalkaasi Boqor Cabdalla Bin Cabdulcassis la filayaa inuu soo magacaabo dhaxal-suge cusub oo qabta jagadaasi uu banneeyey amiir Naa'if, kaasoo la filayo inuu noqdo Amiir Salmaan Bin Cabdulcasiis oo hadda ah wasiirka gaashaandhigga.

Dalka Sacuudi Carabiya waa dal boqortooyo ah, waxaana talada dalkaasi haya qoyska reer Cabdulcasiis, kuwaasoo kala dhaxla jagada boqornimada ayagoo isugu xigsada sida ay u kala da' weyn yihiin, ayadoo boqorka hadda haya talada uu yahay kii 6-aad marka laga soo billaabo aabihii iyo 4 walaalhiis ah oo talada uga horreeyey, sidoo kale waxaa ayadana la kala dhaxlaa jagada dhaxal-sugaha.



Add New Comment