Dadka reer Masar ayaa safaf dhaadheer ugu si ay codkooda u dhiibtaan ayadoo uu socdo wareegga labaad ee
doorashada Madaxtinimada dalkaasi oo ay isugu soo hareen labo murashax oo ka kala socda Ururka Ikhwaanu Muslimiin iyo nidaamkii hore ee Xusni Mubaarak.
Doorashadan oo socon doonta labo maalmood ayaa dadka reer Masar waxa ku dooranayaan Madaxweyne cusub, kaasoo beddeli doona jagadii uu banneeyey Madaxweynihii hore ee talada laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak sanadkii
hore.
Labada murashax Maxamed Mursi iyo Axmed Shafiiq ayaa kasoo gudbay wareeggii hore ee doorashada, waxaana la filayaa in loollanka u dhexeeyaa uu noqon doono mid aad u adag oo ay labada murashax aad isugu dhowaan doonaan xagga natiijada doorashada.
Wararka ka imaanaya dalkaasi ayaa sheegaya in u soo bixidda dadweynaha ee goobaha codbixintu aysan u xoogganayn sidii laysugu soo baxay wareeggii hore ee doorashada, waxaana la sheegayaa in dad fara badan oo weli shaki ka qaba murashaxa ay codkooda siin lahaayeen ay suurtagal tahay in saacadaha ugu dambeeya ee codbixinta ay soo gaaran goobaha codbixinta, kaddib marka ay soo go'aansadaan ciddii ay u codeyn lahaayeen.
Codbixintaan ayaa dhacaysa xilli laba maalmood uun ka hor Maxkamadda Sare ee dalka Masar ay ku dhawaaqday in la kala diro barlamaanka dalkaasi, kaddib markii la xaqeejiyey in doorashooyinkii barlamaanka ee kol hore dalkaasi ka dhacay ay ahaayeen kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.