Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamanka Oo Lagu Aasay Muqdisho


Waxaa maanta magaalada Muqdisho aas heer qaran ah loogu sameeyo allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo horay usoo noqday Guddoomiyiihii sadexaad ee uu yeesho baarlamanka Soomaaliya.

Meydka Marxuumka ayaa laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde iyadoo salaadii Janaasada lagula dukaday Garoonka Aadan Cadde waxaana intaasi kadib lagu Aasay qabuuro ku yaala Fagaaraha caanka ah ee Tarabuunka.

Aaska heer qaran ah ee loo sameeyay Guddoomihii hore ee Baarlamanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed R/wasaare C/weli Maxamed Cali, Afheyeenka Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaanno, saraakiil, Culumaa’udiin, Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka iyo dadweyne aad u farabadan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyay sheekh Mukhtaar ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid marxuumka waxa uuna ALLE uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo iyagana ka hadlay goobta lagu aasay Guddoomihii hore ee barlamanka ayaa iyaguna u tacsiyeeyay ehelladiisa waxa ayna madaxda qaranka dhammantood qireen inu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo door muhiim ah kasoo qaatay siyaasadda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.


Add New Comment