Madaxweyne Sheekh Shariif oo xalay ku hoyday degmada Afgooye


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la qaato odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa in uu isla maanta degmada Afgooye kula kulmo odayaasha iyo waxgaradka gobolka Shabeelaha hoose, isagoo kala hadli doona arimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo sidii loo taageeri lahaa dowladnimada, mar haddii laga xoreeyay malleeshiyaadki Shabaab.

Madaxweynaha oo shalay galab ka carraabay Muqdisho ayaa xalay ku hoyday Degmada Afgooye, isagoo halkaasi kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, iyadoo safarka madaxweynaha ee degmada Afgooye uu dhiirigrlin u yahay ciidamada iyo shacabka ku nool gobolkaasi.


Add New Comment