Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Ciidamo aad u
hubeysan iyo gadiidka dagaalka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo meel walba
taagan gaar ahaan qeybo markii hore ururka Xisbul Islaam uu ka joogay Magaalada
sida Xarunta Goballka iyo Xabsiga Magaalada.
Dhab ahaan lama garanayo sababta Xoogagga Al-shabaab saakay ula wareegeen
goobihii markii hore ay magaalada ka maamulayeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam,
laakiin warar hoose oo laga helayo Ilo xog-ogaal ah ayaa ka hadllaya
suurtagalnimada in Xoogagga Al-shabaab la wareegaan dhamaan Xaafadaha Magaalada
Beledweyne oo markii hore intooda badan gacanta ugu jirra Maamulka Ururka Xisbul
Islaam.
Isbadalka saakay ka muuqda goobihii markii hore ay gacanta ku hayeen Ururka
Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegamaya xili labo maalmood
ka hor ay magaalada isaga tageen Mas'uuliyiintii sar sare ee Maamulka Ururka
oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan
Shuuriye Faarax Sabriye kuwaasoo la sheegay in ay u socdaaleen dhinaca Magaalada
Muqdisho.
Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ay Warbaahinta siiyeen Saraakiisha Xarrakada
Mujaahidiinta Al-shabaab si wax badan looga ogaado dhaq dhaqaaqa socda, waxaana
xusid mudan in talaabadan ku soo beegantay waqti yar uun kadib markii uu dhawaan
Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi ku dhawaaqay in uu ku biiray Xarrakada Al-shabaab islamarkaana ay hoostagayaan wixii hadda ka danbeeya
Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.