Magaalada Muqdisho oo maanta xasilan iyo baaritaan ay wadaan ciidamada Dowladda
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid deggan, kaddib markii iska hor-imaadyo iyo duqeyn dhinaca madaafiicda ah ay ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay, taasoo u dhexeysay ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.
Waxaa sidoo kale maanta gebi ahaanba shaqeynaya suuqa weyn ee Bakaaraha, ayadoo isu socodka gaadiidka iyo dadweynuhuna ay caadi u soo ekaanayaan inkastoo uu jiro dareen ay shacabku ka qabaan in saacad kasta la filan karo dagaal dhinacyada ku dhex mara goobaha qaar.
Dhanka kale waxa jira ciidamo ka tirsan kuwa dowladda in lasoo dhigay waddada Maka Al-Mukarama oo ay halkaasi ka wadaan baaritaano ay la beegsanayaan gaadiidka iyo dadweynaha waddadaasi adeegsada ee ay ka shakiyaan ama ay u arkaan inay qatar gelin karaan ammaanka waddada oo ah tan keliya ee isku xirta madaxtooyada, garoonka dayaaradaha, dekedda Muqdisho iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Add New Comment
|
|
|