Ururka Al-Islaax: Xilligan diyaar uma nihin Madaxtinimada dalka Somaliya


Sheekh Max’ed Axmed Garyare oo ka mid ah Xubnaha sar sare ee Ururka Al-Islaax oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xilligaani aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb qaataan doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, maadaama uu tilmaamay in dalka uu kala daadsan yahay.

Sheekh Max’ed ayaa waxa uu sheegay in Xubnaha matala Ururkaasi aysan isku soo sharxi doonin Madaxtinimada dalka, isagoo dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya in Xubno ka tirsan Ururka Al-Islaax ay ka qeyb galayaan xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Max’ed ayaa waxa uu intaasi ku daray in dalka uusan xor aheyn islamarkaana aysan ka dhici karin doorasho xaq ah sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu tilmaamay in hadafka Ururka uu yahay in dalka uu yeesho nidaam iyo kala dambeyn.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa jiray Siyaasiyiin, Ururo, Xisbiyo iyo dad kale oo isu soo sharaxayay qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in shaqsiyaad xilal kasoo qabtay Ururka Al-Islaax oo isu soo taagay qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.


Add New Comment