Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka marxuum Cabdi Shakuur Sheekh Xasan ayaa u geeriyooday qarax lala beegsaday galabta


Allaah ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda KMG marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, kaddib markii uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray qarax lagula beegsaday gurigiisa.

Qaraxa uu wasiirku ku geeriyooday ayaa waxa sida la sheegay fulisay gabar is miidaamisay oo uu wasiirku u ahaa adeer, waxaana qaraxa kaddib dhacdadaas lagu dilay wasiirka masuuliyaddeeda sheegtay Xarakada Al-Shabaab oo si weyn u diidan jiritaanka Dowladda KMG.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG Mr. Cabdikariim Xasan Jaamac ayaa xaqeejiyey inuu geeriyooday wasiirkii Arrimaha Gudaha marxuum Cabdishakuur, haatanna uu socdo baaritaan ay wadaan hay'adaha amniga ee arrimahaasi ku shaqada leh.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay shaqsiyaddii wasiirka dhintay, kaasoo uu ku sifeeyey inuu ahaa shaqsi wadani ah oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhiyey.

Waxaa sidoo kale ka hadlay dilka wasiirka madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul-wasaaraha xukuumadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo labaduba ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeye geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Cabdishakuur.



Add New Comment