Shirkii Istanbul Conference ee mustaqbalka Soomaaliya oo ay kasoo qayb galeen madaxda Soomaaliya, wakiilo ka kala socday 54 dal, ururro caalami ah iyo kuwo goboleed ayaa markii lasoo gebgebeeyey kaddib laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 40 qodob, una qornaa sidan :-
-In La Tixgelinayo Madaxbanaanida,Sharafta iyo Midnimada Umadda
Soomaaliyeed.
-In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay
raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad
wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
-In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee
Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar
laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U
Heshiisiinta.
-Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu
heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha Caalamkuna ay ku
taageerayaan.
-In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna
lagu gaaray.
-In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala
Accord,Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.
-In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay
horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku
laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka
Cusub.
-In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo
golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.
-In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan
Dastuurka.
-In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo
Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.
-Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo
mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.
-In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi
Karin waqtigooda.
-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay
IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo
aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo
kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.
-In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida
Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
-Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada
dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida
oo dhan wada meteli kara.
-Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana
laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.
-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is
cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
-Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo
dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa
qodobada ku xusan Road-Mapka.
-In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo
helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada
bilowday Dowladda Turkiga.
-In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda
sugi kara.
-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale
Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka
mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan
qaadeen.
-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada
shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.
-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida
Maxkamadihii.
-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka
Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna
dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan
laheyd.
-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la
askareeynayo
-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula
dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta ayadoo laga hortagayo
in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo iney kusoo laabtaan deegaannadii
laga xoreeyey.
-Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii
laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku
taageereyso.
-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaas la
xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.
-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta ayadoo Caalamku si
wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii
Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.
-In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka
Barakacayaasha.
-In la aqoonsado iney Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo
kabashada dhaqaalaha loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.
-In xooga la saaro dib u dhiska dalka ayadoo si gaar ah looga soo kabanayo
burburkii dagaallada gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.
-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda
Horumarineed.
-In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo
horumarinta howlaha.
-In Shirkan uusoo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad
Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka ayadoo Wadahadaladaasina si
deg deg ah loosoo dhaweynayo.
-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay
Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen
Fulinta qodobadan ayaa waxaa loo xilsaaray Mas’uuliyadeeda Koobaad Dowladda
Turkiga ayadoo beesha Caalamkana ay arintaasi gacan ka geysan doonaan.
La taliyaha Ra’isulwasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Eng C/raxmaan Cumar
Cismaan Yariisoow oo markii Kulanka uusoo gebageboobay kadib wareysi siiyey
Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirka uu guud ahaanba kusoo gebageboobay jawi
wanaagsan.