Taliyaha Ciidanka XDS oo u hambalyey ciidamada dowladda
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdulqaadir Sh. Cali Diini ayaa u hambalyeeyey ciidamada dowladda guusha ay kasoo hoyeen dagaalkii ay Al-Shabaab kagala wareegeen gacan ku heynta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
General Diini oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin inay Al-Shabaab ka ciribtiraan gobollada ay weli kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, asagoona intaa raaciyey in shacbiga Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan awoodda ciidamadoodu u leeyihiin difaacidda dalka.
Taliyaha XDS oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda ay aad uga taxadareen in dhibaato soo gaarto shacabka ku nool goobaha ay kula dagaalameen Al-Shabaab,kana xoreeyeen.
Hadalka taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku soo beegmaya xilli ay maalmihii u dambeeyey ay ciidamada dowladda ku guuleysteen in Xarakada Al-Shabaab kala wareegaan degmooyin iyo degaano kula kala yaalla gobollada Sh/Hoose, Sh/Dhexe iyo Jubooyinka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa dhankooda weli ku goodinaya inay dagaalka sii wadi doonaan, dalkana ka difaaci doonaan cadowga ku soo duulay, sidoo kalena sheegay in dhammaanba degaannada laga qabsaday ay ayagu xeelad dagaal uga baxeen, laakiin aan dagaalka lagaga awood roonaan.
Add New Comment
|
|
|