Shirkii Istanbul oo maanta lasoo gebagebeeyey



Sharif&GulB1.jpgWaxaa maanta lagusoo gebagebeeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya oo ay gogoldhiggiisu lahayd  dowladda Turkiga ayna kasoo qaybgaleen qaybaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxa kale oo shirka ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday 54 dowladood, ururro caalami ah iyo kuwo goboleed, waxaana lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo sidii loogaga gudbi lahaa marxaladda ku meelgaarka.

Waxaa aan weli  soo bixin  war-mutiyeedkii shirka oo la filayo in lagu qeexo go'aannadii shirka ka soo baxay, hase ahaatee warar hordhac ah ayaa sheegaya in go'aamada shirkan kasoo bixi doona ay waxtar weyn u yeelan doonaan mustaqbalka dalka Soomaaliya.


Add New Comment