Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi xilka Guddoomiyaha
Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed ugu magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed
Afrax.
Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa
waxa ay u qorney sidatan.
_____________________________________________________________________________
Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012
Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed
Madaxweynaha J.S
Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad
farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.
Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970
Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda
Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.
Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna
saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee
Soomaaliya.
Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan
warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.
Wuxuu soo saaray xeerkan
Qodobka
1aad
Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax
jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.
Qodobka
2aad
Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo
waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo
baxay 5 desembar 2006 .
Qodobka
3aad
Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiinaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.