Wadaxaajoodka Istanbuul uga socday Soomaaliya iyo Somaliland ayaa weli halkoodi kasii socda
Wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga socday magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaan weli soo gabagaboobin, ayadoo aysan muuqan wax natiijo ah oo wanaagsan oo laysku afgartay.
Ayadoo ay jiraan qodobo dhowr ah oo ay maalinimadii shalay isla gaareen labada dhinac, ayaa haddana waxa lagu soo warramayaa in jirto caqabad ka imanaysa arrimaha ku saabsan doonista dhinaca Somaliland ee ku aaddan gooni isu-taagga.
Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo isagu hoggaaminaya wafdiga Somaliland uga qaybgalaya shirka Istanbuul ayaa sheegay in arrinta ugu weyn ee dhinacooda miiska u saarani ay tahay gooni isu-taagga, halka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda federaalka mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed uu warbaahinta u sheegay in dhinacoodu ay diyaar u yihiin in ay ka tanaasulaan wax kasta oo ay Somaliland dooneyso marka laga reebo kala qaybinta dalka Soomaaliya.
Wadahadalladan labada dhinac uga wada socda magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaa daba socda kulamo hore oo kii ugu dambeeyey ay labada dhinac isugu yimaadeen muddo saddex bilood ah ka hor, ayadoo ilaa iyo haddana waxyaabaha lagu heshiiyey aysan dhaafsiisneyn iskaashi ay ka yeesheen dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga.
Add New Comment
|
|
|