Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya oo maanta dalka ka dhoofay


Ra'iisul wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, safarka ra'iisul-wasaaraha ayaa ah kii ugu horreeyey ee dalka kaga dhoofo tan iyo intii xilka loo magacaabay.

Ra'iisul-wasaare Cabdiwali ayaa inta uu ku gudajiro safarkiisa lagu wadaa inuu Nairobi kula kulmo hay'adaha caalamiga ah iyo safaaradaha dalalka deeqda bixiya ku leeyihiin dalkaasi, kuwaasoo uu dhammaantood kala hadli doono xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii dadka looga badbaadin lahaa musiibo ka dhalata abaarta.

Dr. Cabdwali Maxamed Cali ayaa waxa laga sugaayey inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada, hase ahaatee howshaasi waxa ka soo hormaray dhibaatada ka dhalatay abaarta daba dheeraatay ee ku habsatay Soomaaliya iyo weliba kumanaanka barakacayaasha ah ee kusoo qulqulaaya qaybaha ay dowladdu ka maamusho magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay aad u adag tahay in dowladdu wax ka qabato baahidooda.

Add New Comment