Dalka Eritrea ayaa beeniyey eedeeyn dhowaan ugu timid shir-madaxeedkii Urur-goboleedka IGAD ee lagu sheegay inay taageero siiso xoogagga Xarakatul Shabaab ee dagaalka ba'an kula jira DOwladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhowaan ayey ahayd markii madaxda dalalka IGAD oo ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay dalka Eritrea ku eedeeyeen inay taageero mileteri iyo mid dhaqaalaba u fidiso xoogagga Islaamiyiinta ah ee Xarakatul Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM.
Beeninta Eritrea ayaa waxa ku dhawaaqay safiirkooda fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Mr. Beyene Russo oo sheegay in eedeynta loosoo jeediyey dalkiisa ay tahay mid aan sal lahayn oo waxba kama jiraan ah, sidoo kalena uu dalkiisu daneynayo oo qura in xasiloonni lagu soo dabbaalo gobolka Geeska Afrika.
Safiirka ayaa waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uusan awoodba u lahayn inuu taageero mileteri iyo mid dhaqaalaba siiyo Xarakatul Shabaab, sidoo kalena aysan jirin saraakiil ama la taliyeyaal mileteri oo dalkiisa ka socda oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Mr.
Russo ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in dalkiisu daneynayo deganaanshaha gobolka aysanna wax taageero ah siin jabhadda OLF ee dagaalka kula jirta dowladda Ethiopia.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay dowladda Eritrea beeniso eedeeyn uga timid urur-goboleedka IGAD amaba beesha caalamka, ayadoona dhowr jeer oo hore lagu eedeeyey inay faraha kula jirto arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka gobolka.