Ra'iisul-wasaare Saacid iyo wafdigii la socday oo gaaray magaalada Baydhabo


Ra'iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudan Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaddib markii ay saakay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul-wasaaraha ayaa waxa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha mudane Maxamuud Axmed Xasan, xildhibaano iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka.

Ujeeddada socdaalka ra'iisul-wasaaraha iyo mas'uuliyiinta la socota ayaa waxa lagu sheegay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda amaan ee gobolka Bay iyo sidii loo dhammeystiri lahaa ka saaridda goobaha ay gobolka kaga harsan yihiin xoogagga Al-Shabaab ee gobolka.

Sidoo kale ayaa waxa uu ra'iisul-wasaare Saacid la kulmi doonaa mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee gobolka, kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka, Booliska Soomaaliyeed iyo AMISOM ee ka howlgala gobolka iyo qaybaha bulshada.

Socdaalka ra'iisul-wasaaraha ee gobolka Bay ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu ku tago gobolka tan iyo markii qabtay xilka ra'iisul-wasaarenimo dhammaadkii sanadkii tagay ee 2012.



Add New Comment