Sarkaal reer Jabuuti ah oo loo magacaabay afhayeenka AMISOM
Afhayeenka cusub ee Howl galka AMISOM ayaa maanta loo magacaabay Colonel ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo Afhayeenkan uu si rasmi maanta howshiisa kula wareegay Xarunta Xalane ee Taliska AMISOM.
Colonel Paddy Ankunda ayaa ahaa Afhayeenkii u horeeyay ee Ciidamada AMISOM, markii 2007-dii Muqdisho yimaadeen, hase ahaatee sanadii 2008-dii ayaa la bedelay, wxaaana dib loogu soo magacaabay xilka Afhayeenimo bishii April ee sanadkii 2011
Shir jaraa'id oo si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Xalane ayaa Labada Afhayeen xilalka ku kala wareegeen, oo ay isku gacan qaadeen, iyadoo Afhayeenka cusub ee u Jabuuti u dhashay uu balan qaaday inuu howshiisa ka soo bixi doono, isla markaana howl galada uu ka warbixin doono hadba meeshii ay marayaan.
Colonel Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qeyb ka noqdo howl galada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iagoo rajo ka muujiyay in xaalada Soomaaliya wax iska bedeli doonto waqtiga dhow.
"Maanta mas'uuliyada garbaha ii saaran waa mid weyn, arrin noo wada taalo, maadaama afkeena ku hadlayo, maadaama aniga wixii iga dambeeyo, ee AMISOm Jabuuti, dowladda sanadaheeda dhibta Soomaaliya taabatay in iyaga taabatay, hadii dowlad iyoc iidan tahay, sharaf ayay ii leedahay" Col. Cali Aadan Xaamud.
Afhayeenka cusub ee AMISOM ee u dhashay Jabuuti ayaa ku hadla, luqadaha Soomaaliga, English, Faransiis, Carabiga iyo Afka Cafariga, waxaana uu ka tirsanaa Ciidamada Jabuuti muddo labaatan sano ah, iyadoo horay uga soo qeyb qaatay tababarka Ciidamada dowladda ee dalka Jabuuti ku soo qaatay.
Howl galka AMISOM ayaa dhowaan loo qeybiyay ilaa afar qeyb, waxaana qeybta Baydhabo hogaan looga dhigay Taliye ka socda AMISOM, halka Taliye kuxigeenka guud ee AMISOM loo magacaabay Taliye ka socda Kenya.
Add New Comment
|
|
|