Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif
Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka ugusoo laabtay ayadoo
Madaxweynaha iyo wafdigiisa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka
diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka
diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin kakala tirsan labada gole
ee Dowladda oo uu hogaaminayey Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas
Xuseen Ugaas Khaliif,Saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee
Bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
dalka kaga maqnaa socdaal qaatay Shan cisho ayadoo mudadaasina uu Madaxweynuhu
socdaal shaqo ku tagay dalalka Brundi,Sudan iyo Rwanda halkaasi oo kula soo
kulmay Madaxweynayaasha dalalkaasi waxaana socdaalka Madaxweynaha uu qeyb ka
yahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ay Dowladda Soomaaliya la leedahay
dalalka caalamka.