Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda KMG mudane Cabdisamad Macallim Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka isagoo faah faahin ka bixiyay kulamo uu
dalka dibaddiisa kula soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka isagoo
isla maanta ka qeybgalay kulanka magaalada Muqdisho uga socda Odayaasha dhaqanka
Soomaaliyeed.
Mudane Cabdisamad ayaa sidoo kale ka warbixiyey kulankii ay dhowaan asaga iyo wafdigii Dowladda KMG ee safarkiisa ku weheliyey magaalada London ee dalka Ingiriiska kula soo yeesheen mas'uuliyiin ka socotay Somaliland.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa guud ahaan kulankaasi ka dhacay duleedka magaalada London ku tilmaamay inuu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, tusaalena uu noqday in caalamku ogaado in dadka Soomaaliyeed ay ayagu arrimahooda xallisan karaan.
Wasiirka ayaa dhinaca kale tagay goobta ay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu
shirka uga socdo isagoona sheegay in looga baahanyahay in ay soo dadajiyaan soo
xulista ergada ansaxineysa dastuurka dalka.