Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan
wadanka Suudaan ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi isagoona maanta
sookormeeray shirkad lagu sameynayo lacago cusub oo uu dalku yeelanayo.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo socdaal shaqo
kujoogo dalka Suudaan ayaa kulamo laqaatay dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan
Al-bashiir iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladaasi iyagoo kawada hadleen xoojinta
xiriirka labada dalka iyo arrimo kale .
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu kormeer ku tagay shirkad sameyneyso lacago
cusub oo loogu talagalay in ay badasho lacagta haatan ka jirto dalka isagoona
Madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay shaqaalaha ku howlan sameynta lacagta
cusub iyo mas’uuliyiinta shirkada.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan kulan la
laayahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo ardayda wax kabarata
Jaamacadaha dalka Suudaan.