Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyey in ciidamo Ingiriis ah ay joogaan Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa maanta mar uu la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah sheegay in aysan jirin ciidamo ka socda waddanka Ingiriiska oo ku jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kalena sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo dowladdu ay dalka Ingiriiska kula gashay in ciidamadoodu ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna wararka sheegaya in dalka lagu arkay ciidamo hubeysan oo Ingiriis ah uu ku tilmaamay inay yihiin been abuur.
Hadalka wasiirka ayaa u dhacayey sidan : ma jiro heshiis aan la galnay Ingiriiska mana joogaan dalka
ciidamo ka socda dalkaasi laakiin wey jiraan koox la taliyayaal meleteri
ah ‘’.
Warar iyo sawirro sheegaya in ciidamo Ingiriis ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa beryihii dambe laysla dhexmarayey, wararkaasoo ay faafiyeen warbaahinta maxaliga ah, wargeysyo Ingiriis ah iyo kuwo caalami ahba, waana markii ugu horreysay ee ay Dowladda KMG ee Soomaaliya ay si cad u beeniso warkaas.
Add New Comment
|
|
|