Berrito oo Isniin ah ayaa noqotay kowda bisha barakeysan ee RAMADAAN, taasoo ah bil kheyraad oo dadka muslimiinta ah u leh fadiilo gaar ah, isla markaana ah bishii raxmadda, bishii cibaadada iyo bishii uu soo dagay kutubkeenna QUR'AANKA Kariimka ah.
Haddaba ayadoo maamulka Shabakadda Warbaahinta SilGor.com uu ka faa'ideysanayo munaasabaddaasi sharafta iyo xurmadaba leh waxa ay u hambalyeynayaan aqristayaasha bogga, ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadaha Islaamkaba.
RAMADAAN KARIIM wa kul caam wa antum bikheyr
Ummadda Soomaaliyeed ee abaarta iyo colaadda ku jirta
waxaan Allaah uga baryeynaa inuu dhibta ka saaro,
sanadkan sanadkiisana nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.
AAMIIN