Madaxweyne Shariif Oo Kulan Kula leh Afgooye Odayaasha Dhaqanka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray Dagmada Afgooye ee gobolka Shabeelha hoose halkaas oo uu kulan kula leeyahay Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka ku nool dagmadaasi.

Booqashada uu maanta ku tagay madaxweynaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ku wehliyay mas’uuuliyiin ka tirsan dowladda iyo taliyayaasha ciidamada isagoona haatan Madaxweynaha iyo xubnaha la socda uu kulan la qaadanayo Odayaasha dhaqanka iyo waxgarada ku nool dagmadaasi kaas oo ku saabsan sidii loo hormarin laha amaanka dagmadaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay dadka deegaanka iyagoo u gudbiyay dhibaatooyin ay gocanaayeen mudooyinkii ugu danbeeyay isla markaana u sheegay in ay jiraan cutubyo ka tisan ciidamadii dhawaan gaaray degmadaasi ay dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka deegaanka.

Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa qiray in uu jiro cabashada ay soo gudbiyeen waxgaradka iyo cuqaasha degmada Afgooye islar markaana wax weyn laga qaban doono ammaanka degmada xiligan wixii ka danbeyana ciladii timaada uu isagu dusha u ridan doono.

Abaaduulaha ciidamada Xooga ayaa madaxweynaha hortiisa ka sheegay in isla xiligani tilaabo ammaanka lagu xaqiijinayo ay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen ciidamo dhibaato in ay geysteen lagu sheegay oo ay ka mid yihiin Taliyeyaal ciidan, iyo ciidamo ka tirsan xooga dalka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen amni xumada ka jirta Afgooye, waxaana Saraakiisha la xiray ka mid ahaa Co Tareedishe oo ahaa taliye ka tirsan Guutada 6-aad ee ciidamada Xooga dalka eek u sugan degmada Afgooye.

Madaxweyne Shariif ayaa dadka ku nool degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda u balan qaaday in ammaankooda ay damaanad qaadi doonto dowlada isla markaana aysan soo gaari doonin dhibaato danbe,waxaana uu ka raali galiyay dhibkaasi soo gaaray,madaxwenyaha ayaa intaasi raaciyay inay qaateen talada ay u soo jeediyeen dadka deegaanka ee ah in Ciidamo deegaanka oo ka shaqeeya ammaanka la sameyn doono, kuwaasoo uu ugu magac daray madaxweynaha Ciidanka ilaalinta deriska isla markaana hoos tagi doona hay’ada nabad sugida qaranka Soomaaliya.


Add New Comment