Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in
weerarrada argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho aysan waxba u
dhimi doonin dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto dib-u-dhiska
Soomaaliya.War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii 27-kii bishan
lagu qaaday qunsuliyadda dowlada Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Ban Ki-moon ayaa sheegay in xaalad adag ay ku shaqeynaysay dowladda Turkey si ay u taakuleyso dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Weerarka
lagu qaaday qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa
mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab. Waxaa ku dhintay askari ka
tirsanaa ilaalada qunsuliyadda iyo afar qof oo ahaa kuwii weerarka
geystay.