Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta saxiixday heshiis ay ku hirgalineyso in ay soo gaba gabeyso askareynta caruuta oo caam ka ah dalka Soomaaliya.
Dalalka askareeyo caruurta ee u adeegsada dagaalada ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay kooxaha Islaamiyiinta, Dowlada KMG ah, iyo maleeeshiyaadka qabaa,ilka ay u adeegsadaan dagaalada.
Heshiiskan oo uu saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa qoraya in dowlada KMG ay ka shaqeyso sidi ay u suura galin laheyd in aanan la askaryn caruurta aanan qaan gaarin ee da,doodu ka hooseyso 18-ka sano.
Baratakoolkan oo lagu saxiixay magaalada Roma ayaa dhanka Qaramada Midoobay waxaa wakiil uga ahaa Augustine Mahiga oo saxiixay.
Hadii dowlada KMG Soomaaliya ay hirgeliso heshiiskan, waxaa laga saarayaa liiska dalalka askareeya caruurta ee Qaramada Midoobay kuwaasi oo ay ka mid aheyd tan iyo sanadki 2007.