Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Gaaray Sudan


suudaan1.jpgJamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray fiidnimadan caawa magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Khartoum kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta dalkaasi oo hogaaminayey Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir waxaana uu Madaxweynaha salaan sharaf garoonka kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale waxaana uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla caawa kulan gaar ah uu kula qaadan doonaa magaalada Khartoum dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka yimid dalka Burundi halkaasi oo saakay uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kula kulmay dhigiisa dalkaasi.

shshsh.jpg


Add New Comment