Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday
xarunta Ergada Ansixinta Dastuurka Iskuul Polizia ee Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh
Jibriil, ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto islamarkaana tilmaamay iney
si wanaagsan ay howsha u socoto, wuxuuna intaasi ku daray in Ergada Ansixinta
Dastuurka iyo Gudigii Farsamada ay si wanaagasan u wada shaqeynayaan.
“Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney
doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la
ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u
wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada”.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga iyo
Warashadaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa
aad uga mahadceliyay howsha ay Ergada Ansixinta Dastuurka u hayaan Ummadda
Soomaaliyeed, Wuxuuna Wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsaneyd oo ay u
ansixiyeen Ergada iyo Gudiga Farsamada ee Xeer hoosaadka Dastuurka
Soomaaliya.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ergada sida wanaagsan
oo ay u wajaheen howsha Ansixinta Dastuurka, Wuxuuna kula dardaarmay maadaama uu
wakhtiga ciriiri yahay in ay dadaal muujiyaan waana ku faraxsanahay sida aad
howsha u qeybiseen waxaana rajeynayaa inta dhimana iney si wanaagsan u
dhameystirmi doonoo hadduu ilaahey yiraahdo.