Dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho oo guulo kala sheegtay


Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah  iyo kuwa Xarakatul Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalladii cuslaa ee shalay ka dhacay degmooyinka Cabdicasiis, Shibis, Boondheere, Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwadaag oo dhammaantood ka tirsan waqooyiga iyo koonfurta magaalada Muqdisho.

 

Saraakiil u hadashay ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalladii shalay ay dhul ballaaran kaga qabsadeen Xarakatul Shabaab, ayagoona sidoo kale sheegay inay dagaalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay magaalada Muqdisho gebi ahaanteed kasoo galayso gacanta Dowladda KMG.

 

Afhayeenka dhanka howlgallada Xarakatul Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo asagana dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii lagu soo qaaday shalay ay guulo ka gaareen ayna ciidamadii ku soo duulay ka gubeen taangi, welina ay ku sugan yihiin goobihii uu dagaalku ka billowday shalay.


Sheekh Abuu Muscab waxa uu intaa ku daray inay ciidamadii kusoo duulay ka qabsadeen saanad mileteri oo fara badan, kuwaasoo ay qabsadeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ayagu ka garab dagaallanma ciidamada DKMG.


Waxa kale oo ayaguna dhankooda guul ka sheegtay ciidamada AMISOM oo uu u hadlayey afhayeenkooda Paddy Ankunda oo sheegay inay dhabarka ka jebiyeen xoogaggii xarakada ee ay dagaalka ku qaadeen, kana laayeen dagaalyahanno fara badan, kuwo kalena ay isku soo dhiibeen ciidamadooda.

 

Afhayeennada ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM ma aanay soo hadalqaadin taangiga la gubay ee uu sheegay afhayeen Xarakatul Shabaab Sh. Abuu Muscab, sidoo kalena ma aanay sheegin in ciidamada Dowladda iyo ku AMISOM ay dib uga soo baxeen aagaggii ay shalay bdagaalka ku qabsadeen.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa hubanti ah in dagaalladii shalay ay horumar ka sameeyeen ciidamada Dowladda, Ahlu- Sunna iyo ku AMISOM, ayna kula wareegeen fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanna Xarakatul Shabaab, kaddib markii ay weerar gaadmo ah oo saf ballaaran ah ku qaadeen arroornimadii hore ee shalay, waxaana maanta Muqdisho ka socday dagaallo goos goos ah oo sidii shalay ka yar xasilan inkastoo mararka qaar la maqlayo madaafiic waaweyn oo lays weydaarsanayo.




Add New Comment