Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jaray
maxjarka caafimaadka xoolaha ee Jasiirka kaas oo ku yaala duleedka magaalada
Muqdisho.
Munasabada lagu furayey Maxjarka baaritaanka caafimaadka xoolaha ee gobolka
Shabeelladda hoose oo maanta ka dhacday xarunta Maxjarkaasi ayaa waxaa ka qeyb
galay Madaxweynaha Soomaaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wahliyeen
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, wasiirka
arrrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo
xubno ka mid ah Saraakiisha ciidanka.
Agaasimaha waaxda xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee wasaaradda xanaanda
Xoolaha Dr C/raxmaan Nuur ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Madaxweynaha
marxaladaha dib loogu dhisay maxjarka iyo faa’idooyinka uu u leeyaha xoolaha
dalka.
Sidoo kale agaasimaha maxjarka Iimaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha
Maxajarka uu soo socday ilaa labo sano ayna ku baxaday lacag dhan Saddax milyan
iyo saddax kun oo dollar balse ay aqoonsadeen maxjarka wadamo badan oo loo
iibgayn doono xoolaha Soomaaliya taasina ay tahay guul u soo hoyatay
ganacsatada maal galisay maxjarka.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas
Xuseen Ugaas Khaliif oo hadlay ka jeediyay munasabadaasi ayaa ka hadlay
Faa’iidada uu maxjarka uu yeelanayo xoola dhaqatada iyo ganacsatada xoolaha
Dhoofisa, asogoona amaan u jeediyay ganacsatada isku howshay dhismaha
Maxjarka.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gabgabadii xaflada
furitaanka Maxjarka ka hadlay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay tix galinayso
ganacsiga xorta ah, waxa uuna kula dardaarmay ganacsatada in ay sara u qaadaan
ganacsiga si uu u kobco dhaqaalaha wadanka.