Munaasabad lagu dhaarinayey 52 garsoore oo ka dhacday Muqdisho


Munaasabad ay ka qayb galeen madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey in ka badan 50 garsoore, kuwaas oo ka kala socday maxkamadaha dalka. 

Munaasabadan lagu dhaarinaayay 52-garsoore oo ka socda maxkamadaha dalka sida maxkamada sare, racfaanka,gobalka iyo degmooyinka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya , wasiiradda garsoorka ganacsiga,arimaha gudaha gudoomiyaha maaxkamada sare ee dalka, taliyayaasha ciidamada militariga iyo booliska mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Ugu horeynti wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa dhaariyay 52-garsoore oo ay dowladu uga talagashay inay howl galiyaan maxkamadaha dalka

Dhaarinta kadib ayuu hadalka qaatay Mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bille wasiirka wasaarada garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta waxa una ku guubaabiyay dadka maanta la dhaariyay inay howshooda u gutaan si alla ka cabsi leh.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka mudane Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf oo isaguna ka hadlay munaasabada dhaarinta ayaa tilmaamy in garsoorka uu aas aas u yahay nidaamka dowliga ah, isagoo balan qaaday gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka in inta karaankooda ah ay si cadaalad ah wax u garsoori doonaan.

Madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qeexay in hadii aan la dhisin laamaha garsoorka dowladu aysan shaqeyn Karin waxa uuna tilmaamay in dowladiisu ay bilaw wanagsan u tahay dhisitaanka maxkamada dalka.

‘Waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyin uu soo maray dalka in saameeyn xoogan ay ku yeesheen garsooka,laakiin muhiimadu waxaa ay tahay in unuga Garsoorka salka loo dhigo,marka anagoo og duruufta adage e aad ku jiritiin hadana waxaan rabnaa in damiirku idin hogaamiyo,Soomaalinimadu idin hogaamiso masuuliyada aad xanbaarsateen ee aad u dhaarateen aad u hogaansamtaan illaahna idinla garab galo’ ayuu Madaxweyne Shiikh Shariif kula dardaarmay garsoorayaasha maanta loo dhaariyay maxkamadaha dalka.

Waxaan shaki kujirin hadii uusan garsoor jirin in aaney dowladi jirin taasina macnaheedu waa dowlada uu madaxweynaha ka yahay Shariif Shiikh Axmed inay ku guuleysatay dhisida hay’adah garsoorka dalka waxaana looga fadhiyaa garsoorka maanta la dhaariyay inay wax badan ka qabtaan arimaha cadaalada iyo garsoorka.

dhaarin.jpg


Add New Comment