Shirkii Ansixinta Dastuurka oo maanta dib u billowday


Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka ayaa maanta dib uga furmay Akademiyada Gen.Kaahiye (Scuola Polizia), kaddib markii uu maalinimadii shalay u hakaday cilad dhinaca farsamada ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda kmg.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa warbaahinta u sheegay in shirka lagaga arrinsan doono qodobbada dastuurka kaddib markii maalinimadii khamiista ergooyinka loo qaybiyey nuqullada dastuurka la doonayo in la ansixiyo.

Waxa kale oo isla maalinimadii Khamiista ergooyinka loo kala qaybiyey 10 kooxood kuwaasoo ka doodi doona qodobbada dastuurka, kana dhiiban doona fikirkooda ku aaddan qodobbada buuq badan dhaliyey ee muddaba laysku hayey, waxa kale oo ay ergooyinku mulaaxadaad ka sameyn doonaan qodobbada ay shakiga ka qaban si loo horgeeyo barlamaanka lasoo dooran doono.

Waxa kale oo ay ergooyinku su'aalo weydiin doonaan qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada inta uu socdo shirka ansixinta dastuurka ee ay hadda u fadhiyaan magaalada Muqdisho, si ay u helaan faahfaahin ku aaddan qodobbada dastuurka.

Muddadii lagu ballamay in ergooyinku ay ku ansixiyaan dastuurka ayaa waxa ka harsan 5 maalmood oo keliya, ayadoo waqtiguna uu guud ahaan yahay mid ciriiri ah oo ay dhammeystirka qorsha tubta nabadda (Roadmap) ay ka harsan tahay wax ka yar 30 maalmood.



Add New Comment