Xukuumadda oo kordhineysa macaashka askarta dowladda


Kaddib kulan ay shalay Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya isugu yimaadeen ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirtay kordhinta mushaarka ay qaataan dhammaanba qaybaha ciidamada dowladda.

Kulanka oo qayb ka ahaa kulamada caadiga ah ee toddobaadkii ay mar isugu yimaadaan golaha wasiirada ayaa ka dhacay xafiiska ra'iisul-wasaaraha, waxaana lagu go'aamiyey in sare loo qaado macaashka la siiyo askarta dowladda ee ka kooban xoogga dalka, booliska, nabadsugidda iyo asluubta, taasoo la gaarsiiyey 160 dollar askarigiiba oo bil kasta joogto loo bixiyo.

Go'aankan ka soo baxay golaha wasiirada ayaa waxa loogaga gol leeyahay in kor loo qaado niyadda iyo nolosha ciidanka, si markaas ayaguna dhankooda ay waajibaadkooda u gutaan sida ugu wanaagsan ee suurtagalka ah.

Arrintan ayaa haddii ay dhabowdo wax weyn ku soo kordhin doonta nolasha qoysas fara badan oo Soomaali ah, sidoo kalena suuqyada ganacsi ee dalka ku soo kordhin doonta dhaqdhaqaaq, waayo ciidamada dowladda waa kumanaan ku kala sugan gobollada dalka ee hoos yimaada dowladda federaalka.

Add New Comment