Shirka Ergooyinka ansixinta dastuurka oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho


xarunta.jpgShirka ergooyinka Ansixinta Dastuurka ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo xarunta Akadeemiyada Gen. Kaahiye (Scuola Polizia) ee magaalada Muqdisho, kaddib markii dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid.

Ergooyinka loo soo xulay inay ka qaybgalaan shirkan ansixinta ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 825 xubnood, kuwaasoo intooda badani ay haatan ku sugan yihiin madasha shirka ayadoo qaarka yar ee maqanna la filayo inay soo xaadiraan saacadaha soo aaddan,

Ergooyinkan isugu soo uruuray magaalada Muqdisho ee ka qaybgalaya shirka ansixinta dastuurka ayaa waxa loogaga fadhiyaa inay isku raacaan oo ay ansixiyaan dastuurka muranka faraha badani uu ka dhashay ee la doonayo in lagu dhaqo dalka Soomaaliya, weli lama sii saadaalin karo waxa kasoo bixi doona, hase ahaatee Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa aad ugu rajo weyn in la ansixiyo dastuurka si qorshaha Roadmap-ka uu ugu dhammaado waqtigii loogu talagalay.


Add New Comment