Qoraal uu maanta soo saaray Mr. Robert Zoellick oo ah madaxa Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa lagu sheegay in bankigu uu bixin doono dhaqaale kor u dhaafaya $500 milyan oo dollarka Mareykanka si deg-deg wax loogaga qabto dhibaatada ka dhalatay abaarta ku dhufatay gobolka Geeska Afrika.
Qoraalka Mr. Zoellick ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah si loo qafiifiyo dhibaatada ay abaaruhu ku hayaan waddama Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya oo dhammaantoodba ka tirsan dalalka Geeska Afrika.
Sida ku cad qoraalka ayaa waxa Bankigu uu lacagtaasi ku bixin doonaa mashaariic deg-deg ah oo socon doona waqti gaaban iyo kuwo lagula talagalayo waqtiga fog, waana dhaqaalihii ugu weynaa ee loogu yabooho dadka ku dhibaateysan gobolka tan iyo intii ay soo xoogeysteen abaaraha muddada 3-da sano ah ka jira gobolka Geeska Afrika.