Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Dahabshiil ayaa looga hadlay warar
maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay dalka iyo dibadduba.
Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad
website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda
Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka
faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna
Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shirkaddu u saartay dacwad
maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan
beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano
gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan in lagu
waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu
Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u
suurto-galayn damacoodaasi.
Sidaa darteed:
1. Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii
Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga
ahayd ee looga bartay u socoto.
2. Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in
system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay
ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.
3. Waxa aanu macaamiisha shirkadda
Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay
website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.
4. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi
dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan
doono.